Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Musharaxa Urur Siyaasadeedka JSP ee hoggaamiyaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Musharaxa Urur Siyaasadeedka JSP ee hoggaamiyaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb si weyn loogu soo dhaweeyay musharaxa Urur Siyaasadeedka JSP ee hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, Wafdiga musharaxa waxaa qeyb ka ahaa Xoghayaha Guud ee JSP, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, Xildhibaanno, Wasiirro iyo madax kale.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala, oo hoggaaminayay madaxdii kala duwaneyd ee soo dhaweysay musharaxa, isla markaana ah hoggaanka ololihiisa, ayaa uga mahadceliyay shacabka reer Galmudug ee ka kala yimid degmooyin iyo deegaanno kala duwan doorka ay ku leeyihiin taageerada Ururka JSP iyo sida ay u garab taagan yihiin.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026

Xoghayaha Guud ee JSP, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, oo madasha soo dhaweynta ah ka hadlay, ayaa bogaadiyay sida shacabka Galmudug ugu diyaar garoobeen doorashada dadweynaha ee dhawaan dhici doonta, isaga oo ka codsaday inay codkooda ku aaminaan musharaxa Xisbiga JSP.

Musharaxa hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo soo dhaweynta kaddib si toos ah ula hadlay dadweynihii iyo madaxdii soo dhaweysay, ayaa uga mahadceliyay socdaalka dheer ee ay u soo galeen taageerada ururka.

Waxa uu sidoo kale goobta kaga dhawaaqay inuu yahay musharaxa hoggaamiyaha Galmudug, isaga oo xusay saddex qodob oo uu mudnaan siin doono haddii uu xilka ku guuleysto. Qodobadaasi waxay kala yihiin: adkeynta amniga, dib u heshiisiinta bulshada Galmudug iyo inuu lix bilood gudahood Galmudug kaga xoreyn doono Khawaarijta ku sugan qaybo ka mid ah deegaannada Galmudug.

Soo dhaweynta musharaxa, oo ay dadweynuhu isaga kala yimaadeen degmooyinka iyo gobollada Mudug iyo Galgaduud, ayaa muujinaysa sida ay ugu heelan yihiin taageerada Ururka JSP iyo guud ahaan doorashooyinka dadweynuhu codkooda ku dhiibanayaan ee la filayo inay dhawaan ka dhacaan Galmudug.

Previous Post

Danjiraha cusub Brazil ee Soomaaliya oo laga guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjirenino

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ka digtay hurinta colaadaha

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ka digtay hurinta colaadaha

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul...

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In