Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Park Ji-Hyun, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Koonfurta Kooriya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray taageerada joogtada ah ee Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya ay u hayso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, labada dhinac waxay ka wada hadleen ballaarinta iskaashiga hadii ay noqon laheyd dhinacyada amniga badaha, horumarinta awoodda hay’adaha dowliga ah iyo kobcinta hay’adaha dowladda, iyadoo la adeegsanayo iskaashiga Dowladda Koonfurta Kuuriya iyo Afrika.
Labada Masuul waxay sidoo kale sheegeen sida ay uga go’an tahay taageeridda horumar waara oo Soomaaliya gaarto iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u Muqdisho Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya.












