Wednesday, July 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 hour ago
in Wararka
0
Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo ku matalayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika, kaas oo sanadkan si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha caafimaadka, kana qabsoomay magaalada Accra ee dalka Ghana.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaha Midowga Afrika iyo Madaxda Dowladaha Afrika, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nidaamyada caafimaadka Afrika, hirgelinta Daryeelka Caafimaadka Aasaasiga ah, soo afjaridda AIDS-ka marka la gaaro 2030, dhimista dhimashada hooyada ee laga hortagi karo, iyo dardargelinta la tacaalidda cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

July 22, 2026
Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo olole doorasho ku qabtay Degmada Caabudwaq

Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo olole doorasho ku qabtay Degmada Caabudwaq

July 22, 2026

Khudbaddii uu ka jeediyay shirka, Wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay hirgelinta Daryeelka Caafimaadka Aasaasiga ah (Primary Health Care – PHC) oo saldhig u ah xaqiijinta adeegyo caafimaad oo tayo leh, loo siman yahay, isla markaana la gaarsiinayo dhammaan bulshada.

Wuxuu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dib-u-habayn lagu xoojinayo xarumaha caafimaadka, shaqaalaha caafimaadka, adeegyada bulshada, nidaamyada caafimaadka ee dijitaalka ah, iyo u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah.

Wasiirku waxa uu sidoo kale adkeeyay in Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay Bayaanka Accra iyo Himilada Midowga Afrika ee lagu dhisayo nidaamyo caafimaad oo adkaysi leh, isagoo ugu baaqay dalalka Afrika in la xoojiyo iskaashiga, maalgelinta gudaha iyo wadajirka si loo xaqiijiyo caafimaad loo siman yahay iyo horumar waara oo qaaradda ka hanaqaada.

Previous Post

Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo olole doorasho ku qabtay Degmada Caabudwaq

Next Post

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

Next Post
Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

July 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa 21-kii bishan fuliyay howlgal duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday deegaanka...

Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

July 22, 2026
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo ku matalayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo olole doorasho ku qabtay Degmada Caabudwaq

Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo olole doorasho ku qabtay Degmada Caabudwaq

July 22, 2026
0

Waxaa Degmada Caabudwaq ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya

July 22, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In