Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo diirran u dirtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maldives, Mudane Dr Mohamed Muizzu , dowladda, iyo shacabka walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Maldives.
Wasaaraddu waxay u rajaynaysaa Jamhuuriyadda Maldives nabad, horumar iyo barwaaqo.










