Ururka Siyaasadda Karaama ayaa agab waxbarasho ku wareejiyay ardayda Dugsiga Sheekh Ibraahim Yare ee deegaanka Mesegawaa, si loo taageero waxbarashada iyo dhiirrigelinta ardayda deegaanka.
Agabka la guddoonsiiyay ardayda ayaa isugu jiray buugaag, qalimaan, buugaag-qoris iyo agab kale oo muhiim u ah waxbarashada, iyadoo maamulka dugsiga iyo waalidiintuba ay soo dhaweeyeen tallaabadan.
Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Siyaasadda Karaama ayaa sheegay in taageeridda waxbarashadu ay ka mid tahay mudnaanta ururka, isla markaana ay sii wadi doonaan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, gaar ahaan waxbarashada.
Maamulka Dugsiga Sheekh Ibraahim Yare ayaa uga mahadceliyay Ururka Siyaasadda Karaama taageerada ay gaarsiiyeen ardayda, iyagoo xusay in agabkan uu wax weyn ka tari doono baahiyaha waxbarasho ee ardayda deegaanka Mesegawaa.











