Baydhabo — Hoggaamiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirka Banbaxa ayaa looga hadlay qorshayaasha shaqo ee dowladaha, dardargelinta waxqabadka Golaha Wasiirrada, horumarinta adeegyada bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa howlaha maamulka.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed in ay sii xoojiyaan dadaallada loogu adeegayo shacabka, isla markaana ay mudnaanta siiyaan fulinta qorshayaasha horumarineed.
Masuuliyiinta ka qeyb gashay shirka ayaa sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo xoojinta adeegyada ay bulshada u baahan tahay.











