Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka howlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanka Sumadaale ee degmada Cadale, gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay fariisimo waaweyn ku lahaayeen kooxda Khawaarijta.
Howlgalka ayaa lagu burburiyay fariisimihii ay kooxdu ku sugnaayeen, iyadoo ciidamada ay ka saareen godadkii ay gabaadka ka dhiganayeen. Inta uu howlgalka socday ayaa sidoo kale la baacsaday firxadka horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka cararay goobta.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli wada howlgallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanka iyo baacsiga haraadiga kooxda, iyadoo ujeeddadu tahay in gebi ahaanba laga ciribtiro deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.










