Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Angola, Mudane Téte António, intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga gobolka, iskaashiga dhaqaalaha iyo xiriirka bulshada labada dal, iyagoo sidoo kale ballanqaaday inay sii xoojinayaan iskaashiga iyo isu duwidda arrimaha danaha labada Dowladeed.











