Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dalka Rwanda, Mudane Olivier Nduhungirehe, intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga gobolka, iskaashiga dhaqaale iyo kobcinta xiriirka shacabka labada dal.
Wasiiradu waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay sare u qaadaan iskaashiga iyo isku duwidda danaha wadaagga ah ee labada dal.











