Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa maanta wadahadal dhinaca taleefanka ah la yeeshay Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbo-joogta ee Boqortooyada Haaลimiyiinta ee Urdun, Mudane Ayman Safadi.
Labada Wasiir ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan arrimo ay labada dal danaynayaan, oo ay ku jiraan xaaladaha gobolka, waxayna carabka ku adkeeyeen sida ay uga goโan tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Haaลimiyiinta ee Urdun











