Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaciyay in howlgal duqeyn ah lagu bartilmaameedsaday shir ay horjoogayaasha Khawaarijtu ku lahaayeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo uu guddoominayay Horjooge Yuusuf Ciise Kaba-kudukade, oo Khawaarijta u qaabilsan gobolka.
Duqeynta ayaa lagu dilay 11 ka mid ah horjoogayaasha Khawaarijta, halka afar kalena lagu dhaawacay, oo uu ku jiro Yuusuf Kaba-kudukade.










