Golaha Wasiirrada XFS, ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee magacaabista ergeyga Soomaaliya ee Ururka Islaamka (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub.
Golaha ayaa Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar iyo Mudane Axmed Xaaji Maxamed Caynte, u dalacsiiyey Darajada Safiirnimo, halka Mudane Maxamed Cabdinuur loo macagaabay Ergeyga Soomaaliya u qaabilsan Ururka Islaamka (OIC).











