Saturday, August 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 hours ago
in Wararka
0
Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(KAMPALA):-Shir Madaxeedkii gaarka ahaa ee dalalka ciidamada ku taageera hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ka qabsoomay magaalada Kampala, ayaa ku soo idlaaday is-afgarad lagu xoojinayo dadaallada wadajirka ah ee lagu taageerayo himilooyinka amni ee Soomaaliya.

Shirku wuxuu markale adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta hawlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, tayeynta awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, iyo hirgelinta hannaan kala-guur oo ku salaysan xaaladaha dhabta ah ee amniga, kaas oo hagaya waajibaadka AUSSOM iyo UNSOS.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

August 1, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

August 1, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shirka ka adkeeyay in arrimaha siyaasadda gudaha ee Soomaaliya ay yihiin arrimo u gaar ah shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in go’aannada la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya ay tahay inay noqdaan kuwo Soomaaliyeed oo ay hoggaaminayaan Soomaali, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo dhoweynayso iskaashiga saaxiibbada caalamiga ah ee lagu taageerayo mudnaanta qaran ee Soomaaliya. Waxaana la isla qaatay in Soomaaliya loo daayo arrimaheeda gudaha, isla markaana aan lagu soo faragelin.

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay dib u xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay AUSSOM, Midowga Afrika iyo dhammaan saaxiibbada caalamka, si loo ilaaliyo madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, loo xoojiyo hay’adaha amniga qaranka, loona xaqiijiyo nabad, amni iyo xasillooni waarta oo ay ku naaloodaan shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

Ra'iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u direy bulshada deegaanada Puntland & Maamulkaba sanad guuradda...

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KAMPALA):-Shir Madaxeedkii gaarka ahaa ee dalalka ciidamada ku taageera hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ka qabsoomay magaalada...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarkii argagixiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ee...

Soomaaliya oo shir heer caalami ah kaga qayb gashay dalka Libya

Soomaaliya oo shir heer caalami ah kaga qayb gashay dalka Libya

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LIBYA):-Wafdi ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo uu hoggaaminayo Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Maxamed Haaruun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In