Saturday, August 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay xoogagga siyaasadda inay ku tartamaan aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 hours ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay xoogagga siyaasadda inay ku tartamaan aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo khudbad uu jeediyay ku adkeeyay muhiimadda ilaalinta dowladnimada, xoojinta dimuqraadiyadda iyo in tartanka siyaasadeed lagu saleeyo aragti iyo barnaamijyo ay shacabka kala dooran karaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta ka gudubtay marxalado adag oo hore, isla markaana muwaadiniintu ay ku naaloonayaan xorriyadda hadalka iyo aragtida.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil

Madaxweynaha JFS oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil

August 1, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

August 1, 2026

“Maanta Soomaaliya aan joogno ma aha Soomaaliyadii siyaasiyiinta inta guryaha loogu dhaco, dadkooda guryaha ku jira lagu laayo ee haddana marka la laayo duurka lagu aasayay. Maanta qof kasta afkiisa ayuu xor u yahay, inta uusan amniga shacabka wax u dhimaynin oo uusan qori la carareynin, xor ayuu yahay,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda oo keliya ay leedahay awoodda adeegsiga hubka, isagoo carrabka ku adkeeyay in awooddaas ay ku xaddidan tahay waxa sharcigu oggol yahay.

“Qori ayaan soo qaadaneynaa, dadkaan qalqal gelineynaa, dadkaan qixineynaa..

. Awoodda qoriga qaadashadiisa iyo haddii wax lagu fulinayo sharcigu dowladda ayuu siiyay. Sharciga ayaana tilmaamaya, dowladda lafteeduna sida ay rabto ma aha, waana iska ilaalinaynaa inaan looga baahnayn,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhammaan xoogagga siyaasadda dalka inay ku tartamaan barnaamijyo iyo aragtiyo siyaasadeed oo qoran, kana fogaadaan wax kasta oo dhaawacaya hay’adaha qaranka iyo kalsoonida shacabka.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan xoogagga siyaasadda ee dalka inay ku tartamaan aragti iyo barnaamij siyaasadeed oo qoran oo dadweynaha Soomaaliyeed akhrisan karaan, arki karaanna. Waxaan leeyahay haku tartamina curyaaminta hay’adaha qaranka, haku tartamina burburinta kalsoonida shacabka, haku tartamina marin-habaabinta bulshada,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay xoogagga siyaasadda inay ku tartamaan aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay xoogagga siyaasadda inay ku tartamaan aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed

August 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil

Madaxweynaha JFS oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil

August 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay adeegsaneyso dhammaan awoodaha diblomaasiyadeed, iskaashiga caalamiga...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

August 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u daah furay Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u daah furay Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa si rasmi ah uga furmay, Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In