Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay adeegsaneyso dhammaan awoodaha diblomaasiyadeed, iskaashiga caalamiga ah iyo xeeladaha kale ee suurtagalka ah si looga hortago duullaanka Israa’iil ee ka dhanka ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay si cad uga soo horjeeddo joogitaanka Israa’iil ee dhulka Soomaaliya , isla markaana mowqifkeeda ay si joogto ah uga muujisay fagaarayaasha caalamiga ah.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

“Duullaanka Israa’iil ee dalkeenna si cad ayaan u diidnay. Maanaan qarin, fagaarayaasha adduunka oo dhan ayaan la taaganahay, dadkeenana waa u sheegnay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hor hadlayay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Soomaaliya aysan oggolaan doonin in colaadaha muddada dheer ka jiray Bariga Dhexe loo soo raro gobolka Geeska Afrika, maadaama ay taasi saameyn ku yeelan karto nabadda iyo xasilloonida gobolka, wuxuuna yiri:

“Colaadda iyo dhibaatada qarni ku dhowaadka ka jirtay Bariga Dhexe in Geeska Afrika la keenaa si sahlan ma aha.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso xoog, xeelad, diblomaasiyad iyo iskaashi caalami ah si looga hortago in xaaladaha colaadeed ee gobolka ay ku fidaan Geeska Afrika.

“Waxaan ka shaqeyneynaa xoog, xeelad, diblomaasiyad iyo iskaashi caalami ah. Waxaan u isticmaaleynaa inaysan meeshaas degin.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay in Soomaaliya aysan u arkin wax dan ah oo ugu jira shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka joogitaanka Israa’iil, isagoo ku celiyay in mowqifka Soomaaliya uu yahay mid cad.

“Wax dan ah oo umadda Soomaaliyeed ugu jira ma jiraan iyo deegaanka iyo gobolka. Sidaas daraaddeed, mar walba Soomaaliya cod dheer iyo mid gaaban waxay ku leedahay Israa’iil: hana naga baxdo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ay ku dhisan tahay ilaalinta madax-bannaanida dalka, nabadda gobolka iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, isagoo xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay sii wadi doonto dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Previous Post

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay xoogagga siyaasadda inay ku tartamaan aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay xoogagga siyaasadda inay ku tartamaan aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay xoogagga siyaasadda inay ku tartamaan aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In