RADIO MUQDISHO:-Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee ku qeexan Dastuurka Dalka, ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Daahir Shire Maxamed, iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda.
Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare Senator Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa diiradda lagu saaray turxaan-bixinta, fasiraadda iyo ka jawaabista su’aalo dheeraad ah oo xubnaha Guddigu ka qabeen qaar ka mid ah qodobbada ku xusan Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Macdanta Soomaaliyeed.
Intii uu kulanku socday Wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda ayaa si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii iyo qodobadii ay xubnaha Guddigu soo bandhigeen, iyadoo dhinacyadu ay si qoto dheer uga doodeen una falanqeeyeen qodobbada muhiimka ah ee Hindise-sharciyeedka.
Dood iyo is-dhaafsi aragtiyeed kaddib, waxaa la isku waafaqay faham iyo fasiraad ku saabsan qodobbadii u baahnaa in la sii caddeeyo nuxurkooda, iyadoo kulanku qayb ka ahaa dadaallada howlaha Guddigu adkaynayo in Hindise-sharciyeedku noqdo mid si wanaagsan loo turxaan bixiyay, isla markaana waafaqsan danta guud ee Qaranka iyo horumarinta hannaanka sharci-dejinta dalka.











