Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS oo u hambalyaysay gabdhaha kaalmaha hore u galay Imtixaanka Qaranka

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 weeks ago
in Wararka
0
Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS oo u hambalyaysay gabdhaha kaalmaha hore u galay Imtixaanka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa si weyn ugu hambalyeysay gabdhaha Soomaaliyeed ee kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare, iyadoo sheegtay in guushan ay farxad iyo sharaf weyn u tahay dhammaan haweenka Soomaaliyeed.

Wasiiraddu waxay tilmaantay in lix ka mid ah tobanka arday ee kaalmaha hore ka galay imtixaanka, oo ay u fariisteen in ka badan 40,000 oo arday ay yihiin gabdho. Waxayna sheegtay in arrintani ay si cad uga tarjumeyso kaalinta firfircoon ee gabdhaha Soomaaliyeed ay kaga jiraan waxbarashada iyo bulshada.

Related posts

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026

Amb.Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay waalidiinta Soomaaliyeed oo fahmay muhiimadda ay waxbarashada gabdhuhu u leedahay bulshada, iyadoo xustay in guushan ay muujineyso miro-dhalka dadaallada lagu xoojinayo wacyiga iyo fursadaha waxbarasho ee gabdhaha Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiiraddu waxay gabdhaha Soomaaliyeed ugu baaqday inay sii wadaan dadaalka iyo waxbarashada, si ay mustaqbalka ugaalin muuqata uga qaataan horumarka dalka, iyadoo mar kale u dirtay dhammaan gabdhaha guuleystay hambalyo iyo bogaadin. “Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo. Haweenka Soomaaliyeed ha guuleystaan.”

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo damaanad qaadday arday kaalmaha hore u galay Imtixaanka Qaranka

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Batroolka XFS oo maanta hortagay Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Batroolka XFS oo maanta hortagay Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare

Wasiirka Wasaaradda Batroolka XFS oo maanta hortagay Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Tan...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

September 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska...

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

September 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In