Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo damaanad qaadday arday kaalmaha hore u galay Imtixaanka Qaranka

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo damaanad qaadday arday kaalmaha hore u galay Imtixaanka Qaranka

Screenshot

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay saddexda arday ee kaalmaha hore ka galay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaas oo sanadkan ay u fariisteen 42,916 arday,isagoo kula hadlay khadka telefoonka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo guusha ardayda, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay damaanad qaadday waxbarashadooda jaamacadeed ee heerka koowaad.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waxaan maanta taleefoonka ugu hambalyeeyay seddexdii arday ee kaalmaha hore ka galay intixaamka qaran ee dugsiyada sare.

Waxaan u rajeeyay guul mustaqbal ,aniga oo u xaqiijiyay in dowladda federaalka ah ay damaanad qaadayso waxbarashadooda jaamacadeed ee heerka koowaad.

Waxaan sidoo kale hambalyo u direy dhammaan ardaydii ku baastay intixaamka, waalidiintooda iyo macalimiintooda.”ayaa uu yidhi Ra’iisul Wasaare Xamse.

 

 

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare

Next Post

Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS oo u hambalyaysay gabdhaha kaalmaha hore u galay Imtixaanka Qaranka

Next Post
Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS oo u hambalyaysay gabdhaha kaalmaha hore u galay Imtixaanka Qaranka

Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS oo u hambalyaysay gabdhaha kaalmaha hore u galay Imtixaanka Qaranka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In