Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS Mudane Hamza Haadoow, ayaa maanta kormeer ku sameeyay hawlaha ka socda Wasaaradda ee ku aadan diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka ee Xukuumadda (DanQaran) 2022–2026.
Intii uu waday kormeerku Xoghayaha Joogtada ah ayaa aad ugu kuurgalay horumarka laga sameeyay diyaarinta warbixinta iyo kaalinta Wasaaradda ee ku aaddan warbixinta qaran, taas oo diiwaangelinaysa guulaha iyo waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya muddadii u dhaxaysay 2022–2026.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xoogga saareysa sida ay uga go’an tahay isku duwidda hay’adaha dowladda, wadaagidda xogaha saxda ah iyo diiwaangelin dhammaystiran oo ku saabsan guulaha qaranka, iyadoo qayb ka ah hannaanka warbixinta Xukuumadda DanQaran.











