Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 hours ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(BEIJING):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdigataax Qaasim Maxamuud, oo magaalada Beijing ee xarunta dalka Shiinaha ku jooga safar shaqo oo rasmi ah iyo ka qayb-galka Madasha 7-aad ee arrimaha Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha iyo Qaaradda Africa, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Amb. Marwo Hodan Cismaan Cabdi iyo diblomaasiyiinta kale ee Safaaradda.

Danjire Hodan Cismaan, ayaa Wasiirka Warfaafinta XFS uga warbixisay howlaha Qaran ee ka socda Safaaradda iyo dedaallada ay muddadii lasoo dhaafay ku bixisay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo sheegtay inay diyaar u yihiin sidii ay mar walba muuqaal wanaagsan uga bixin lahaayeen dalkeena Soomaaliya.

Related posts

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

August 22, 2026
Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026

Wasiir Cabdifataax Qaasim, ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee ay goor-walba bixiyaan Danjire Hodon iyo Diplomaasiyiinta kale ee Safaaradda, kuwaas oo Qarankooda ugu adeega si daacadnimo ah iyagoo si hufan dalkeena ugu metela fagaarayaasha caalamka iyo kuwa dalka Shiinaha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Danjire Hodan Cismaan Cabdi iyo Diplomaasiyiinta kale ee Safaaradda uga mahadceliyay soo dhaweynta qiimaha leh ee ay xarunta Safaaradda ugu sameeyeen Wasiirka iyo xubnaha wafdigiisa.

Previous Post

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Next Post

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

Next Post
Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Madey nurey sheikh ufurow, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BEIJING):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdigataax Qaasim Maxamuud, oo magaalada Beijing ee xarunta dalka...

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS ahna ergayga u qaabilsan Soomaaliya Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane...

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026
0

Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiraxmaan Saciid ayaa ka qaybgalay Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In