Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Screenshot

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ku khaarijiyay horjooge muddo dheer ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta.

Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud Odawaa, kuna magacdheeraa (Faadhuud), ayaa 57 jir ahaa. Wuxuu kooxda argagixisada ah ku biiray sannadkii 2009, xilligaas oo uu ku sugnaa deegaanka Cali Gaduud.

Faadhuud ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa sahminta goobaha ay ka samaystaan fariisimaha qarsoon iyo waddooyinka ay u adeegsadaan abaabulka weerarrada gobolka Shabeellaha Dhexe. Aqoonta uu u lahaa juqraafiga gobolka ayuu u adeegsan jiray hagidda maleeshiyaadka iyo u fududeynta falalka argagixisada ee ka dhanka ah shacabka iyo ciidamada.

Wuxuu si gaar ah ugu lug lahaa tilmaamidda dhul-kaymeedka ku xeeran Cali Gaduud, oo ay ka mid yihiin Juxaay, Warta Dibisamatar, Bacadka Laandheer iyo Quracda Nayleey, halkaas oo uu kooxda u sahmiyay meelo ay ka qotaan godad iyo gabbaadyo qarsoon.

Goobahaas ayuu u xushay in ay yihiin dhul hawd ah oo ay adag tahay in la gaaro, kana fog shacabka iyo waddooyinka caadiga ah, si maleeshiyaadka Khawaarijtu ugu dhuumaaleystaan ugana abaabulaan dhagartooda.

Howlgalka lagu khaarijiyay horjoogahan ayaa waxaa fuliyay laba geesi oo ka tirsan ciidamada deegaanka, kuwaas oo xeelad ugu dhowaaday, kaddibna ku dilay hub gacmeed.

Khaarijinta Faadhuud ayaa dhabarjab ku ah shabakadda Khawaarijta ee sahminta iyo hagidda weerarrada gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaannada Cali Gaduud iyo dhul-kaymeedka ku xeeran.

Previous Post

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

Next Post
Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In