RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ku khaarijiyay horjooge muddo dheer ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta.
Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud Odawaa, kuna magacdheeraa (Faadhuud), ayaa 57 jir ahaa. Wuxuu kooxda argagixisada ah ku biiray sannadkii 2009, xilligaas oo uu ku sugnaa deegaanka Cali Gaduud.
Faadhuud ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa sahminta goobaha ay ka samaystaan fariisimaha qarsoon iyo waddooyinka ay u adeegsadaan abaabulka weerarrada gobolka Shabeellaha Dhexe. Aqoonta uu u lahaa juqraafiga gobolka ayuu u adeegsan jiray hagidda maleeshiyaadka iyo u fududeynta falalka argagixisada ee ka dhanka ah shacabka iyo ciidamada.
Wuxuu si gaar ah ugu lug lahaa tilmaamidda dhul-kaymeedka ku xeeran Cali Gaduud, oo ay ka mid yihiin Juxaay, Warta Dibisamatar, Bacadka Laandheer iyo Quracda Nayleey, halkaas oo uu kooxda u sahmiyay meelo ay ka qotaan godad iyo gabbaadyo qarsoon.
Goobahaas ayuu u xushay in ay yihiin dhul hawd ah oo ay adag tahay in la gaaro, kana fog shacabka iyo waddooyinka caadiga ah, si maleeshiyaadka Khawaarijtu ugu dhuumaaleystaan ugana abaabulaan dhagartooda.
Howlgalka lagu khaarijiyay horjoogahan ayaa waxaa fuliyay laba geesi oo ka tirsan ciidamada deegaanka, kuwaas oo xeelad ugu dhowaaday, kaddibna ku dilay hub gacmeed.
Khaarijinta Faadhuud ayaa dhabarjab ku ah shabakadda Khawaarijta ee sahminta iyo hagidda weerarrada gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaannada Cali Gaduud iyo dhul-kaymeedka ku xeeran.











