Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka qabsoomay kulan lagu daah-furayay mashruuca CAPSOM II, kaas oo diiradda lagu saaray kor u qaadista tayada howl-wadeenada Hayโadda iyo xoojinta hanaanka maamulka dadka dalka lagusoo celinaayo ee Soomaaliyeed, si looga mira dhaliyo ujeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan soocelin kudhisan badqab, iyo sharaf.
Barnaamijkan lagu taagerayo Soomaalida dalka dib loogu soo celinayo iyo sidii Hayโadda looga caawin lahaa tababaridda iyo sare u qaadidda aqoonta howlwadeenada Hayโadda Qaxootiga ayaa waxaa iska kaashana Hayโadda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA) , Hayโadda Socdaalka Sweden (SMA) iyo Hayโadda Qaran ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed (NCRI) .
Munaasabada lagu daah-furay mashruucan ayaa waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socday Hay’adaha dowladda, Ururada bulshada rayidka ah, Midowga Yurub iyo Wakiilada Hayโadaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaas oo ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la dhiso nidaamyo waara oo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya oo ay ugu horeyso u abuuridda fursado shaqo.
Ujeeddada ugu weyn ee mashruuca CAPSOM II ayaa ah xoojinta awoodda hayโadaha, horumarinta adeegyada dib-u-dejinta, iyo kobcinta iskaashiga si loo abuuro xalal waara oo wax looga qabto caqabadaha socdaalka iyo dadka ku soo guryo noqonaya dalkeena hooyo.
Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka mudane Liibaan Cabdi Cigaal oo kahadlay munaasabadda shaacinta mashruuca CAPSOM II, ayaa dareen shacuur leh ku sheegay in muwaadiniinta dalka kusoo laabanaya lagu qaabilo dareen Soomaalinimo.
“Barnaamijkakan waxa uu quseeyaaa sidii hayโadda looga caawi lahaa in tababaro la siiyo howlwadeenadaada Hayโadda, kuwaasi oo sare loogu qaadayo aqoontooda”. Ayuu yiri Guddoomiye Liibaan.
Guddoomiyaha ayaa iftiimiyay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay sidii shaqo abuur loogu sameyn laha ila iyo saddex boqol (300) oo qof oo ah dadki dib dalka loogu soo celiyay.











