Sunday, September 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war kasoo saartay hawlgal lagu dilay horjoogayaal Khawaarij ah

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
13 minutes ago
in Wararka
0
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war kasoo saartay hawlgal lagu dilay horjoogayaal Khawaarij ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgal qorshaysan oo 4-tii Sebtembar 2026 ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ka fuliyeen deegaanka Buula-Fulaay ee Gobolka Bay, kaas oo lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab.

Khawaarijta lagu dilay howlgalka ayaa isugu jiray shan horjooge iyo sagaal ka mid ah ilaaladii la socotay. Horjoogayaasha lagu dilay howlgalka ayaa kala ahaa:

Related posts

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

September 6, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

September 6, 2026

1. Bishaar Maxamed Muqtaar (Sheekh Bishaar)
Wuxuu muddo dheer ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan xafiiska garsoorka Khawaarijta Al-Shabaab, waxaana xilliga la dilayey kooxda ugu magacawnaa qaadiga Gobolka Gedo. Waxa uu hore xilkaas uga soo qabtay gobollada Bay iyo Shabeellaha Hoose, isaga oo door ku lahaa fulinta xukunnada sharci-darrada ah iyo nidaamka cabsi-gelinta ay Khawaarijtu ku dhibaateeyaan shacabka.

2. Cali Nuur Maxamed Idiris
Wuxuu ahaa horjooge ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan katiibo, kana mid ahaa horjoogayaashii hoggaaminayey maleeshiyaadka kooxda ee Gobolka Bay. Waxa uu qayb ka ahaa abaabulka iyo fulinta weerarro lagu qaaday magaalada Baydhabo.

3. Xuseen Xasan Daahir (Lahelow)
Wuxuu kooxda ugu magacawnaa waxa ay ugu yeeraan amiirka sariyada Gobolka Bay, waxa uuna mas’uul ka ahaa hoggaaminta maleeshiyaadka hubaysan iyo isku-dubbaridka dhaqdhaqaaqyada Khawaarijta ee deegaannada gobolka.

4. Nuur Cabdullaahi Xaashi (Sudeysi)
Wuxuu ahaa horjoogaha qaraxyada Khawaarijta ee Gobolka Bay, isaga oo mas’uul ka ahaa qaybta kooxda u qaabilsan diyaarinta iyo adeegsiga walxaha qarxa.

5. Cumar Xasan Xuseen
Wuxuu ka tirsanaa qaybta qaraxyada Khawaarijta, isaga oo ka shaqeynayey shabakadaha kooxda ee gobollada dalka.

Howlgalka waxaa sidoo kale dhaawacyo culus lagu gaarsiiyey Jacfar Abuu Xamsa, oo Khawaarijtu ugu magacawday waxa ay ugu yeeraan “Waaliga Gobolka Bay”, iyo Xasan Ibraahim, oo ka tirsanaa waaxda baadda iyo lacagaha sharci-darrada ah ee gobolka.

Howlgalkan ayaa dhabar-jab weyn ku ah hoggaanka, awoodda abaabulka iyo shabakadaha qaraxyada Khawaarijta Al-Shabaab ee Gobolka Bay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an sii wadidda howlgallada qorshaysan ee lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta, si loo wiiqo awooddooda, loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

Next Post

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

Next Post
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha, S/Guuto Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war kasoo saartay hawlgal lagu dilay horjoogayaal Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war kasoo saartay hawlgal lagu dilay horjoogayaal Khawaarij ah

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgal qorshaysan oo 4-tii Sebtembar 2026 ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaqan-gelinta Xeer Wasiir Lr. 0001/26 iyo Habraaca Kumeelgaarka ah ee Maamulka iyo Diiwaangelinta Hay’adaha Dhaqanka iyo Farshaxanka Dalka. Ku:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In