Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi iyo qaar ka mid ah abwaannada Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeysa Maamulka Gobolka Banaadir iyo bahda hal-abuurka Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah loo xusay doorka muhiimka ah ee abwaannadu ku leeyihiin ilaalinta, horumarinta iyo kobcinta dhaqanka, suugaanta iyo hiddaha Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa abwaannada uga mahadceliyay booqashadooda, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo kaalinta bahda suugaanta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ee horumarinta bulshada iyo dhowrista dhaqanka iyo hiddaha dalka.
Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyo Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka.










