Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
28 minutes ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo labo maalmood ka socday Muqdisho.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka waxaa ka qeyb galay Wasiirrada Warfaafinta Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir waxaana muddadii labada maalin ahayd ee uu socday diiradda lagu saaray ” Istiraatiijiyadda xiriirka Warbaahinta, halka ku dhigga shirka ee sanadkan ayaana ahaa ” Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta ee Xilligan casriga ah”,

Related posts

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

September 8, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

September 8, 2026

Shirweynaha ayaa isku keennay madaxda Dowladda Dowladda Federaalka, kuwa maamul gobolleedyada, Khubarro warbaahineed iyo daneeyeyaal, iyadoo si weyn looga dooday qaabeynta iyo mustaqbalka warbaahinta casriga ah.

Wasiirka Warfaafinta Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo gaba-gabada shirka ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay muhiimad gaar ah siinayso dhismaha hannaan joogto ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, gaar ahaan casriyeynta warbaahinta, horumarinta warfaafinta Dowladda, Dhaqanka iyo Dalxiiska, wadaagga xogta, kobcinta xirfadaha iyo la jaanqaadidda isbeddellada casriga ah ee warbaahinta.

Sidoo kale, Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-gobolleedyada iyo masuuliyiinta ka socotay maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhankooda shirka ku soo bandhigay aragtiyahooda, caqabaha heer gobol iyo talooyinka ku saabsan sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta iyo xooojint Warbaahinta.

Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada madasha labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2026 ee lagu xoojinayo wada-tashiga, iskaashiga iyo dejinta jihada mustaqbalka Warbaahinta.

Previous Post

Minister of Information Closes the Second Somali Strategic Communication Forum 2026

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran...

Minister of Information Closes the Second Somali Strategic Communication Forum 2026

Minister of Information Closes the Second Somali Strategic Communication Forum 2026

September 8, 2026
0

The Minister of Information, Culture and Tourism of the Federal Government of Somalia, H.E. Abdulfatah Qasim Mohamud, today officially closed...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

September 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu soo gabagabeeyay hawlaha dayactirka iyo...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

September 8, 2026
0

Muqdisho, 8 Sebtembar 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In