Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
27 minutes ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay kulan ku saabsan “Waaga Cusub oo Xiriirka Türkiye iyo Soomaaliya: Kalsooni iyo Iskaashi Istiraatiiji ah” kaas oo ay soo qabanqaabisay Agaasinka Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Türkiye.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, waxaana ka qeyb galay wasiirro, masuuliyiin, diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo khubaro ka kala socday Soomaaliya iyo Türkiye.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Mas’uuliyiin Cusub

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Mas’uuliyiin Cusub

September 10, 2026

Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa intii kulanku socday ka qeyb dood-wadaag heer sare ah oo looga hadlay xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Türkiye, iskaashiga labada dal iyo kaalinta muhiimka ah ee Türkiye ay ka qaadatay taageerada Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiir Qaasim ayaa dul istaagay khatarta xadgudubyada ka dhanka ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo muhiimadda taageerada Türkiye ee ilaalinta qaranimada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa doodda ku soo bandhigay khatarta ay marin-habaabinta, wararka been-abuurka ah iyo ololayaasha lagu khaldayo aragtida dadweynaha ku yeelan karaan xiriirka labada dal, isagoo adkeeyay muhiimadda Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta iyo iskaashiga hay’adaha warfaafinta ee Soomaaliya iyo Türkiye, si loo xoojiyo xogta saxda ah, kalsoonida bulshada iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Mas’uuliyiin Cusub

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Mas’uuliyiin Cusub

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Mas’uuliyiin Cusub

September 10, 2026
0

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyay Agaasimaha Guud iyo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali ayaa ka qaybgalay xaflad sagootin ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In