Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kadib soojeedinta Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XJFS.
Xilalkan ayaa loo kala magacaabay Mudane Feysal Aadan Xasan oo noqonaya Agaasima Guud ee Hay’adda Maalgashiga JFS iyo Mudane Maxamed Yuusuf Maxamed oo noqonaya Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Maalgashiga JFS.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XJFS ayaa Mudane Maxamed Dhuuboow Maxamed u magacaabay in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Xarunta Adeegyada Mideysan ee Halmeel.











