Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo lagu qabtay Hotel-ka Trademark.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray isku-dubbaridka dadaallada lagu ilaalinayo, dib loogu soo celinayo, laguna dayactirayo webiyada iyo ilaha biyaha ee ku yaalla Basin-ka Webiyada Nairobi, si looga dhigo ilo muhiim u ah kaabayaasha cagaaran iyo buluugga ee magaalada.
Dib-u-nooleynta waabiya Nairobi ayaa ah mid si toos ah u taabanaysa dadka Soomaaliyeed oo ganacsiga iyo guryaha ku leh deegaanada dib-u-habeeynta lagu sameeynayo ee xaafada Islii ama deegaanka Kaamakunji. Waxaa horay loo dumiyay guryo iyo hanti dad Soomaali ah leeyihiin. Danjire Jabril Ibrahim Cabdulla ayaa aad ugu howlan sidii loo xaqiijin lahaa in laga talagaliyo dadka Soomaaliyeed ee ka ganacsada daafaha Wabiyada Nairobi. Dib-u-noolaynta wabiyada Nairbi ayaa ah mid sare u qaadaysa bilcida, nadaafadda iyo guud ahaan nolasha dadka ku nool xaafadda Islii.
Ujeeddadu waxay ahayd in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda, bah-wadaagta horumarinta iyo saaxiibbada caalamiga ah, iyadoo la horumarinayo deegaan waara, magaalooyin nadiif ah iyo tayada nolosha bulshada.
Danjiraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa ka qayb galay kulanka, isagoo qayb ka noqday doodaha iyo is-dhaafsiga aragtiyaha ku saabsan ilaalinta deegaanka, horumarinta magaalooyinka iyo iskaashiga gobolka.











