RADIO MUQDISHO:-Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Intii uu socday cod-bixinta, 28 Senator ayaa u codeeyay meel-marinta hindise-sharciyeedka, halka laba Senator ay diideen.
Hindise-sharciyeedkan ayaa muhiim u ah dejinta hannaan sharciyeed oo lagu maamulayo kheyraadka macdanta ee dalka, iyadoo la xoojinayo doorka dowladda ee ilaalinta, maamulka iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Ansixinta Golaha Aqalka Sare kaddib, hindise-sharciyeedka ayaa u gudbi doona marxaladaha kale ee uu dastuurku dhigayo, si loo dhammaystiro hannaanka sharci-dejinta.









