RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor, Guutada 12-aad Ciidanka Gaarka ah ee Gorgor iyo Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgal ballaaran oo ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe kula wareegay gacan-ku-heynta deegaanno iyo saldhigyo muhiim ah oo ay horay u maamuli jireen Khawaarijta.
Howlgalka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray deegaanka Geel-gub, halkaas oo ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-heynta deegaanka iyo saldhigyada muhiimka ah ee ku yaalla nawaaxigiisa.
Geesiyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalkan ku muujiyay isku-duubni, abaabul iyo diyaar-garow ciidan, iyadoo ciidamada Kumaandooska Gorgor iyo kuwa Ciidanka Gaarka ah ay si wadajir ah uga howlgaleen deegaanada ay ka socoto sifeynta Khawaarijta.
La wareegidda Geel-gub waxay ka mid tahay tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu xoojinayo amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo ciidamada dowladda ay sii wadaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanada iyo waddooyinka muhiimka ah.
Ciidamada ayaa hadda ku howlan adkeynta fariisimaha iyo saldhigyada laga qabsaday Khawaarijta, si looga hortago isku-day kasta oo lagu doonayo in dib loogu soo laabto goobaha laga saaray.
Howlgalka ka socda Shabeellaha Dhexe ayaa qeyb ka ah dadaallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku doonayaan in dalka looga ciribtiro kooxaha Khawaarijta, looguna soo celiyo shacabka nabad, amni iyo maamul dowladeed.










