Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 hour ago
in Wararka
0
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi bin Mutlaq Al-Cutaybi.

Ugu horeyn, Wasiir Cabdifitaax Qaasim ayaa safiirka ku soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda, iyagoo si wadajir ah u koormeeray waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, gaar ahaan Keydka Qaranka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Radio Muqdisho iyo Wakaaladda wararka SONNA, halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada waaxyaha.

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026

Koormeerka ka dib, Wasiirka ayaa Safiirka la yeeshay kulan looga hadlaayay xoojinta iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta gaar ahaan dhinacyada Warfaafinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Horumarinta luuqadda Carabiga iyo la-dagaallanka macluumaadka marin-habaabinta iyo been-abuurka ah.

Cabdullaahi bin Mutlaq Al-Cutaybi, Safiirka Jaamacada Carabta ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta iyo soo nooleynta luuqadda Carabiga, isagoo xaqiijiyey in Jaamacadda Carabtu ay diyaar u tahay inay kaalin ka qaadato taageerada dadaalladaas iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada warbaahinta iyo dhaqanka.

Ugu dambeyn wasiirka iyo safiirka ayaa booqday xarunta Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen Hobollada Qaranka ee Waaberi iyo kooxda ciyaaraha dhaqanka, kuwaas oo soo bandhigay qeyb ka tarjumeysa hidaha, dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud iyo Safiirka Jaamacada Carabta ee Soomaaliya Cabdullaahi bin Mutlaq Al-Cutaybi ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo isku-duwidda arrimaha la xiriira Warfaafinta, Dhaqanka, Dalxiiska iyo horumarinta luuqadda Carabiga

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta.

Previous Post

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Next Post

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Next Post
Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In