Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.
Danjire Kang Hyung-Shik waxaa xarunta Safaaradda ku soo dhaweeyay dhiggiisa Danjiraha JFS Mudane Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat.
Labada Danjire ayaa kulan is-xogwaraysi ah oo ay yeesheen kaga wada hadlay xiriirka iyo danaha labada dal, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kuuriya, gaar ahaan dhinacyada ay labada dal danaha ka wadaagaan. Kulanka ayaa sidoo kale fursad u ahaa labada dhinac inay is dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan arrimaha diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal ee madallada caalamiga ah.











