Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka galay Tartanka Qurโaanka Kariimka, oo dhawaan lagu qabtay Dalka Qatar.
Tartanka oo ay ka qeyb galeen 398 arday oo ka kala yimid 20 Dal ayaa waxaa kaalinta 1aad ka galay Qaari Cabdiqani Cabdulqaadir Sheekh Xuseen, Qaari Cabdiraxmaan Qaasim Maxamed ayaa isna galay kaalinta 2aad halka Qaari Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud uu galay kaalinta 3aad, waxaana ka qeybgalkooda fududeysay Hayโadda Qatar Charity. Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada dadaalkooda iyo sida ay Qurโaanka u xafideen, isagoo kula dardaarmay in dadka ay baraan Qurโaanka.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladdu dhiirri galineyso Barashada Qurโaanka Kariimka waxaana uu u ballan qaaday ardeyda in dowladdu siineyso Waxbarasho lacag laโaan ah sidii ay u siisay ardeydii kaalimaha hore ka gashay Imtixaankii Shahaadiga ah.
โWaan idinku faaneynaa haddii aan nahay Madaxda Dowladda, in Tartan dowli ah aad ka gasheen kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad waa arrin wanaagsan oo sharaf iyo Karaamo u ah Bulshada Soomaaliyeed, Wasaaradda Waxbarashada waxaan fari doonaa in Waxbarasho bilaash ah ay idin siisoโ.











