Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 hour ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadka 2025, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka, horumarka la sameeyay sanadkii 2025, dib-u-habaynta hannaanka maaliyadda Qaranka iyo isbeddellada ku yimid taageeradii dhaqaale ee dibadda ka imaan jirtay.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in, inkastoo ay jireen caqabado dhaqaale oo gudaha iyo dibadda ah, haddana adkaysiga shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalka hay’adaha Dowladda ay door muhiim ah ka qaateen sii socoshada kobaca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda dadaalka ay ku bixisay horumarinta hannaanka maaliyadda Qaranka, gaar ahaan kordhinta dakhliga gudaha, xoojinta daah-furnaanta, isla-xisaabtanka, iyo hagaajinta maamulka iyo maaraynta dhaqaalaha dalka.

“Dowladdu ma aysan siyaasadeyn, mana siyaasadeyn doonto taageerada dhaqaale ee ay siiso Dowlad-goboleedyada. Sanadka 2025 wuxuu ahaa sanadkii dhaqaalaha ugu badan la siiyey Dowlad-goboleedyada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado dib-u-habaynta dhaqaalaha, lana abuuro jawi ku habboon maalgashi gudaha iyo mid dibadeed, iyada oo la xoojinayo shuruucda iyo siyaasadaha hagaya dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Previous Post

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Next Post

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

Next Post
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
0

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhiirri gelineyso tacbashada iyo manaafacaadsiga Timirta.   War...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In