Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed ayaa kawada hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo sidii loo xaqiijin lahaa ka-qaybgal loo dhan yahay oo ay Haweenka iyo Dadka Naafada ah ku yeeshaan Doorashooyinka Qof iyo Cod.
Kulanka oo ay Wasiirka ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Bashiir Cumar, la-taliyeyaal iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda, ayaa si gaar ah looga wada hadlay xaqiijinta qoondada 30% ee Haweenka iyo qoondada Dadka Naafada ah, iyadoo la isla eegay muhiimadda ay leedahay in labada dhinac ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta iyo hirgelinta ka-qaybgalka kooxahan ee geeddi-socodka doorashooyinka.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in Haweenka iyo Dadka Naafada ah ay si buuxda uga qaybqaataan geeddi-socodka siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka, iyadoo Wasaaraddu ay diyaar u tahay inay Guddiga kala shaqeyso sidii loo xaqiijin lahaa in qoondadooda iyo xuquuqdooda ka-qaybgalka doorashooyinka si dhab ah loo dhowro.
Ugu dambeyn, Wasiiraddu waxay uga mahadcelisay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, Xoghayaha iyo dhammaan xubnaha Guddiga soo dhaweyntii diirran iyo sida ay uga go’an tahay wada-shaqeynta lagu xaqiijinayo ka-qaybgalka Haweenka iyo Dadka Naafada ah. Kulankan ayaa sidoo kale muujiyey muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xaqiijinta doorashooyin loo dhan yahay oo dhammaan qaybaha bulshada ay si siman uga qaybqaataan.











