RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 19-aad, waxaana Shir guddoomiyey Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horreyn Xildhihaanada Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, waxaana ogolaatay 130-Xildhibaan, sagaal xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamustay laba Xildhibaan, sida uu sheegay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo natiijada ku dhowaaqay.
Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta labaad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-baddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Sharci Lr.130 ee soo baxay 22-kii April-sanadkii 2012, waxaana Xildhibaanada Golaha ay ka doodeen qodobada Hindise-Sharciyeedkan, iyagoo si toos ah su’aalo uga weydiiyey mas’uuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo sidoo kale mas’uuliyiinta Bankiga Dhexe ee Dalka oo kulanka joogay.
Ugu dambeyn, mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey Warbixinta Akhrinta labaad ee Heshiisyada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan Iskaashiga Caalamiga ah ee Garsoorka.










