RADIO MUQDISHO:-Alle ha u naxariistee, maanta ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho laga soo dejiyay meydka marxuum Wariye Maxamed Aweys Muudey, oo ku magac dheeraa Boqorka Bartamaha, kaas oo dhawaan lagu dilay dalka Jarmalka.
Meydka marxuumka ayaa loo gudbiyay Masjidka Isbahaysiga Islaamka, halkaas oo lagu tukaday salaadda janaasada, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin dowladeed, bahda warbaahinta, ehelka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Marxuum Maxamed Aweys Muudey wuxuu ahaa ruug-caddaa saxaafadeed oo in ka badan 50 sano ka shaqeynayay warbaahinta, isagoo ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka, kana soo warrami jiray dalka Jarmalka.
Alle ha u naxariisto marxuumka, ehelkiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan haka siiyo.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.










