RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya si loo dardargaliyo hawlihii socday.
Mudane Xamsa oo cuskanaya qodobada 119-aad, farqada (D) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay agaasimeyaasha hoos ku xusan.
𝟏- 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐈𝐛𝐫𝐚𝐚𝐡𝐢𝐦 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheeyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
𝟐- 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐮𝐮𝐬𝐮𝐟 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐞
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa agaasimayaasha kula dardaarmay shaqo gudasho hufan iyo dardargalinta waajibaadka wasaaradaha loo igmaday.











