Guddoomiyaha Hayβadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hayβadda ku qaabilay Guddoomiyaha Hayβadda Qaxootiga Qaranka.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaaladda El NiΓ±o ee la filayo iyo saameynta ay ku yeelan karto dadka barakacayaasha ah, gaar ahaan khataraha fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee ka dhalan kara roobabka.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta diyaargarowga hore, digniinta hore iyo isku-duwidda hayβadaha si loo yareeyo saameynta musiibooyinka iyo in bulshada nugul loo diyaariyo gurmad ku habboon.











