Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo nuuca biyaha dhuuqa ah, kuwaas oo loogu talagalay in lagu wareejiyo degmooyinka iyo deegaannada Jubbaland ee ugu nugul fatahaadaha, iyadoo laga cabsi qabo in ay saameeyaan roobabka xooggan iyo fatahaadaha la filayo ee ka dhasha Super El Niño.
Matoorradan waxaa loo adeegsan doonaa in biyaha looga saaro magaalooyinka iyo goobaha ay roobabka iyo fatahaaduhu saameeyaan, si loo yareeyo khasaaraha iyo dhibaatooyinka soo gaari kara bulshada deegaanka.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo diyaargarowga hore iyo tallaabada hore, si loo yareeyo saameynta fatahaadaha iyo khataraha ka dhalan kara roobabka xooggan ee la filayo.



















