Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan doorashooyinka ku celiska ah ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowladda Goboleedka Galmudug oo markale ka bilaabaneyso guud ahaan deegaannada iyo degmooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug.
Cabdifataax Xirsi Maxamed Wakiilka Guud Ururka Talo-Qaran ee Degmada Guriceel iyo Guddoomiya Garabka Dhallinyarada ee Ururka Mascuud Maxamed Cabdi Colaad ayaa si wada jir ah olole ballaaran oo codka loogu raadinayo musharraxiinta ururka ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee magaalada Guriceel, halkaasi oo ay isugu soo baxeen taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran.
Qaar ka mid ah dadkii madasha ka hadlay ayaa bogaadiyay dadaalada madaxda iyo musharraxiinta ururka, waxaana ay qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqeen in ay ka faa’iidaystaan doorashada qof iyo codka ah, isla markaana codkooda ku taageeraan musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran.












