Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, Sateeye Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladaha degdegga ah ee bani’aadannimada, gaar ahaan saadaasha El Niño, doorka Ciidanka Badda iyo diyaar-garowga, si loo helo qorshe mideysan oo ay ciidamada dalku qeyb uga yihiin, looguna diyaar garoobo badbaadinta dadka nugul, gaar ahaan kuwa ku nool xeebaha iyo goobaha ay fatahaaduhu saameyn karaan.
Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, SareeyeGuuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar. ayaa sheegay inay si dhow ula shaqeyn doonaan Hay’adda SoDMA iyo qorshaha qaran ee diyaar-garowga.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Ciidanka Badda iyo hoggaankooda ku bogaadiyay diyaar-garowgooda, isagoo ku boorriyay inay muujiyaan firfircooni iyo dadaal dheeraad ah oo lagu badbaadinayo shacabka.












