Ra’iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali Ibraahim Garyare, oo guul taariikhi ah ka gaaray tartankii doorashooyinka Galmudug.
” Waxaan Alle u waydiinayaa in uu masuuliyadda loo doortay ku asturo, kuna kaalmeeyo sidii ay u gudan lahaayeen waajidbaadka Qaran ee horyaala oo ay u wakiisheen Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka dowlad gobolkeedka Galmudug: ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamse.
Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha ayaa bogaadinayey xubnaha Barlamaanka iyo guddoonkooda oo si hufan u qabtay doorashada maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb, taasi oo daboolaysa dhammaan shuruucda doorashooyinka dalka ee ku cad dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasi oo ah xaq iyo waajibaad ummadeed.










