RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Jowhar, waxaana garoonka diyaaradaha ee caasimadda Jowhar kusoo dhoweeyey Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe). Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Jowhar.
Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay mid yihiin Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Magaalada Jowhar uga qeybgeli doona Munaasabadda Caleema-saarka Hogaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.













