Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweyneysaa go’aanka Mareykanku uu sannad kale ugu cusbooneysiiyey maalgelinta Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM). Go’aankani wuxuu mar kale xaqiijinayaa xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Mareykanka ka dhexeeya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Soomaaliya waxay si weyn u qadarinaysaa doorka Mareykanka, oo ah saaxiibka ugu weyn uguna garab-istaagga badan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Taageerada Mareykanku waxay xoojisay hay’adaha amniga Soomaaliya, waxayna gacan ka geysatay ilaalinta guulaha ay shacabka Soomaaliyeed gaareen.
Xiriirkan awgiis, inta badan magaalooyinka waaweyn iyo qaybo badan oo dalka ka mid ah waxay maanta ku naaloonayaan nabad iyo xasillooni ka wanaagsan sidii hore. Al-Shabaab waxaa laga saaray deegaannada ay dadku ku badan yihiin, waxayna ku soo koobantay inay ku dhuumaaleysato deegaanno faro-ku-tiris ah.
Afartii sano ee la soo dhaafay, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu la wareegay in ka badan 20 saldhig oo hawlgal oo ku yaalla jiidaha hore, kuwaas oo ay hore ugu sugnaayeen ciidamada Midowga Afrika. Arrintani waxay suuragelisay in si masuuliyad leh loo dhimo tirada ciidamada AUSSOM, oo ka soo yaraatay qiyaastii 21,000 oo askari una soo degtay ku dhowaad kala bar tiradaas. Horumarkani wuxuu muujinayaa awoodda hawlgal ee sii kordheysa ee ciidamada qaranka iyo tallaabooyinka joogtada ah ee dalku ugu sii gudbayo inuu si buuxda ula wareego masuuliyadda amniga.
Soomaaliya waxaa ka go’an inay sii waddo horumarkan, isla markaana mustaqbalka dhow dhammaystirto ku wareejinta masuuliyadda amniga dalka ciidamada Soomaaliyeed. Cusbooneysiinta taageerada Mareykanku waxay gacan ka geysan doontaa joogteynta hawlgallada, ilaalinta guulihii la gaaray iyo awood-siinta ciidamada Soomaaliyeed si ay u sugaan amniga deegaannada la xoreeyey.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dhammaan saaxiibada caalamka inay qaybtooda ka qaataan dadaallada, isla markaana ay joogteeyaan taageerada ku aaddan la wareegidda masuuliyadda amniga ee Soomaaliya. Ciribtirka Al-Shabaab wuxuu lama huraan u yahay mustaqbalka Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka intiisa kale.
Soomaaliya waxaa weli ka go’an dardargelinta dib-u-habaynta hay’adaha amniga iyo inay si dhow ula shaqeyso Mareykanka, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada gobolka. Waxaan si wadajir ah u xaqiijin karnaa in Soomaaliya ay si buuxda uga xorowdo argagixisada, shacabkuna ku noolaado nabad waarta, sharaf iyo barwaaqo.










