RADIO MUQDISHO:-Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dhacdadii duhurnimadii 19-kii Nofeembar ka dhacday meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.
Safaaradda ayaa qoraalkaan ku shaacisay inay la xiriir la sameysay taliska Qaybta Afraad (Sector Four) ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta iyo Taageerada Soomaaliya (AUSSOM) “Iyagoo ka jawaabaya xaaladdan, ciidamada hawlgalka ayaa iska caabiyay weerarka, waxayna ka hortageen in garoonka la qabsado,” ayaa lagu yiri bayaanka Safaaradda.
Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Talisku wuxuu sidoo kale xaqiijiyay inaan wax dhimasho ama dhaawac ah soo gaarin Ciidamada Jabuuti (Hiil Walaal) ee ku sugan goobtaas.”
Safaaraddu waxay sidoo kale hoosta ka xariiqday in joogitaanka Ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya uu qayb ka yahay ballanqaadka Jamhuuriyadda Jabuuti ee ku aaddan taageeridda dadaallada nabadeynta, xoojinta amniga iyo xasiloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo bixinta gargaar iyo taageero loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.











