Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdinasiir Caruush, oo ka hadlay Shirka Madasha Arrimaha Banii’aadanimada Soomaaliya (CHF), ayaa madaxda iyo shacabka Galmudug uga mahadceliyay martigelinta shirka.
Wasiirku wuxuu sheegay in shirkan uu yahay madal muhiim ah oo looga wada tashado baahiyaha Bani’aadanimada ee dalka, loona raadiyo xalal waara oo wax looga qabanayo musiibooyinka, gurmadka iyo soo kabashada bulshada. Wuxuu rajo ka muujiyay in Shirkaan uu noqdo mid miro-dhal ah oo laga soo saaro natiijooyin wax ku ool ah.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in ka jawaabista musiibooyinka soo noqnoqda aysan ku koobnaan karin gurmad degdeg ah oo keliya, balse ay muhiim tahay in xoogga la saaro soo kabashada, dhisidda u adkaysiga iyo u diyaargarowga bulshada si ay uga hortagto saameynta musiibooyinka mustaqbalka.











