Waxaa magaalada Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya (CHF), kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda Bani’aadanimada, u diyaargarowga musiibooyinka, xoojinta gurmadka, sugnaanta biyaha iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada.
Shirka oo halku-dhiggiisu ahaa“𝗨 𝗗𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗴𝗮𝗿𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗠𝘂𝘀𝗶𝗶𝗯𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗗𝗵𝗶𝘀𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗔𝗱𝗸𝗮𝘆𝘀𝗶𝗴𝗮, 𝗫𝗼𝗼𝗷𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗚𝘂𝗿𝗺𝗮𝗱𝗸𝗮, 𝗦𝘂𝗴𝗻𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗕𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗟𝗮-𝗾𝗮𝗯𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗜𝘀𝗯𝗲𝗱𝗱𝗲𝗹𝗸𝗮 𝗖𝗶𝗺𝗶𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗲𝗲 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮”waxaa furay Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, kuwaas oo adkeeyay muhiimadda madashu u leedahay iskaashiga iyo u diyaargarowga qaranka ee ka jawaabista musiibooyinka.
Ugu dambeyn, shirka waxaa galabta soo xiray Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, kaas oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si dhab ah loo hirgeliyo qodobadii iyo talooyinkii ka soo baxay shirka, si loo xaqiijiyo natiijooyin wax ku ool ah oo wax ka tari kara xaaladda Bani’aadanimada iyo u diyaargarowga musiibooyinka dalka
.










