Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abaabul ay shacabka kaga hortagayaan dhibaatooyinka Al-shabaab oo ku sii xoogaysanaya Sh/dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Abaabul ay shacabka kaga hortagayaan dhibaatooyinka Al-shabaab oo ku sii xoogaysanaya Sh/dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellada dhexe gaar ahaan degaanno hoos taga Degmada Mahadaay ayaa sheegaya in shacabka ku nool degaanadaasi ay dhibaato xooggan ku qabaan maleeshiyada Al-shabaab,taasi oo keentay in uu billowdo iska hor imaad u dhexeeya labada dhinac.

Arrintani ayaa soo ifbaxday kadib markii argagixisada Al-shabaab oo uu hoggaaminayo C/qaadir Dhiiga oo loo yaqaano Jacfar ay ammaro adag dul-dhigeen shacabka degaanadaasi oo ah in ay bixiyaan lacago  baad ah iyo in ay Hub u iibiyaan maleeshiyada Al-shabaab,kaasi oo ay doonayaan in ay u adeegsadaan dhibaataynt a bulshada.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Qaar kamid ah Dadka degaanka ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in uu iska hor imaad dhexmaray Maleeshiyada Al-shabaab iyo dadka degaanka, kadib markii shacabku ay ka soo horjeesteen go’aannada qaldan ee kaga imaanaya kooxaha Jid iyo Jaha diidka ee Alshabaab.

Dadka deegaanka ayaa muujiyay isku duubni oo ay isaga difaacayaan dhibaatooyinka uga imaanaya argagixisada Alshabaab, iyadoo halkaasi lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Nabad-diidka Alshabaab.

“Shacabka ku nool nawaaxiga ku hareereysan Degmada Mahadaay ee ka kooban Xoolo Dhaqatada iyo Beeraleyda waxaan cabasho ka muujinaynaa  dhibaato ay nagu hayaan Alshaabab,dadkii shacabka ahaa iyo iyaga waa la iska hor yimid,xitaa waxaa jira in dhexdooda ay isku khilaafsan yihiin amarada qaldan oo ay shacabka duldhigeen,mana uu dulqaadan doono waan iska dhicinaynaa”. Sidaasina waxaa Waakalaadad SONNA u sheegay mid kamid ah dadka deegaanka.

Warar ay heshey Wakaaladad SONNA ayaa sheegaya in amarro iska soo hor jeeda ay ka soo baxeen horjoogayaal uu kamid yahay C/qaadir Dhiiga oo loo yaqaano (Jacfar ) ay sababeen iska hor imaad khasaare geystay uu dhexmaray labo maleeshiyo oo ka wada tirsan Alshabaab,waxaana la sheegay in ay dhexdooda iska gubeen gaadiid islamarkaana ay iska dileeen dhoor maleeshiyo.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay khilaafka u dhexeeya Alshabaab iyo shacabka,kadib markii dadku ay u adkeysan waayeen amarada qaldan oo lagu banaysanayo dhiiga iyo hantida Shacabka.

Previous Post

Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo soo bandhigtay Tusaha Sicirka Badeecadaha

Next Post

Taliska Ciidanka Asluubta oo la wareegay Qalab Caafimaad iyo Gaari Ambalaas ah+Sawirro

Next Post
Taliska Ciidanka Asluubta oo la wareegay Qalab Caafimaad iyo Gaari Ambalaas ah+Sawirro

Taliska Ciidanka Asluubta oo la wareegay Qalab Caafimaad iyo Gaari Ambalaas ah+Sawirro

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In