Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Deegaanka Bacaadweyn oo abaaro daran laga soo sheegayo“SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Deegaanka Bacaadweyn oo abaaro daran laga soo sheegayo“SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abaaraha iyo biya yarida xiligaani ka taagan degmada bacaadweyne iyo deegaanada ku xeeran  ee ku yaala koofur bari Gobalka Mudug ayaa saameeyn xoogan ku yeeshay dadka iyo duunyada halkaasi ku nool, iyadoo ay ku baxeen xoolo farbadan oo ay dhaqan jireen dadka halkaasi ku nool

Maxamed Axmed Aadan oo ka mid ah xoolo dhaqatada ay saameeynta ku yeesheen abaaraha ayaa uga waramay warbaahinta Qaranka dhibaatada kasoo gaartay abaarahaasi

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026

“Abaarahaani waa kuwo hadda ka hor aanan soo marin, aniga waxaa ii haray sida aad ujeedo waa toban neef, intii kale abaarta ayaa la tagtay, tobankaana haddii roob yimaado lama oga hadana carruurtii iyo iyagana biyo aan siiyo uma heli karo, badar aan carruurta u kariyana ma hayo wax ilaaheey inuu naga qaado aan ka baryeeyno ayaa na haya”.

Maamulka, waxgaradka, culuma’udiinka iyo ganacsatada degmada Bacaadweyne ayaa walaac xoogan ka muujiyay saameeynta ay abaaruhu ku yeesheen dadka iyo duunyada, halkaasi ku nool, iyagoo dhanka kalena uga mahadceliyay gurmad isugu jira biya dhaamin iyo raashin qeybin uu dadka ay abaaruhu saameeyeen u sameeyay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Jeylaani Cali Kadiye.

Axmed Daahir Guddoomiyaha Bacaadweyne ayaa ugu horeyn ka hadlay abaarahaasi waxaana uu yiri “Sida xaqiiqada meeshaan waxaa ka jira abaar saameeysay dadka iyo duunyada, ayadoo aysan jirin wax ceelal biyood ah, oo uu leeyahay deegaankan 175km oo aan laheeyn wax ceel ah, waad garaneeysaan xaaladeeda dadkaas oo ildarnaa biyo la’aan iyo raashin la aan ayaa waxaa usoo gurmaday ilaa hadda ganacsade soomaaliyeed oo lagu magcaabo Jeylaani Cali Kadiye waana uga mahad celi neynaa

Maxamed Axmed Cali Xoghayaha maaulka degmada  bacaadweyne  ayaa isna dhankiisa uga mahad celiayay ganacsade Jeylaani Cali Kadiye gurmadka samafalka waxaana uu yiri “Waxaan u hambalyeeynaynaa una mahadcelineeynaa walaalkeen jeylaani cali kadiye oo maanta usoo gurmaday dadkaan oo xaaladoodu ay mareeyso meel xun soona gaarsiiyay deeq lama filaan ah umad badan baa dib jir aheeyd dabkuna kaseexday xoolihiina dhaafeen boqalkiib atodobaatana xolihii weey tageen sodanka ka hartayna biyo la aan baa u ciribtireeysa”

Bashiir Cali Dhoore oo isna ku hadlayay magaca  Ganacsatada ayaa ka warbixiyay sida maamulka Galmudug iyo hay addaha gobalka mudug ka shaqeeya ay uga gaabiyeen wax u qabashada bulshada dagmada bacaadweyne iyo deegaanada hoostaga

“Degmadaan Bacaadweyne waxaa hoostaga 17 tuulo, waxa ceel ahna ma lahan 170 km u dhaxeeysa badda iyo qeydaro waxaan cabasho ujeedineeynaa maamulka galmudug iyo hay addaha ka howlgala gobalka mudug oo aan leenahay dadkaan usoo gurmada maa intii galmudug la aas aasy waan ka hadleynay arinta ceelka lkn ma jirto ilaa hadda cid wax u qabatay” ayuu yiri ganacsade bashiir cali dhoore

Dagmada bacaadweyne iyo deeganada hoostaga ayaa wali aysan ka da’in roobabka Gu’ga kuwaasi oo haatan ka da’ay deegaano fara badan oo ka tirsan gobalda dalka

vlcsnap-2016-04-27-12h19m34s142 vlcsnap-2016-04-27-12h19m44s8 vlcsnap-2016-04-27-12h19m54s90 vlcsnap-2016-04-27-12h20m05s189 vlcsnap-2016-04-27-12h20m14s21 vlcsnap-2016-04-27-12h20m39s41 vlcsnap-2016-04-27-12h20m46s109 vlcsnap-2016-04-27-12h20m53s181 vlcsnap-2016-04-27-12h20m53s181_1 vlcsnap-2016-04-27-12h21m00s248  vlcsnap-2016-04-27-12h21m13s127  vlcsnap-2016-04-27-12h21m32s68 vlcsnap-2016-04-27-12h21m42s162 vlcsnap-2016-04-27-12h22m19s1 vlcsnap-2016-04-27-12h22m48s44 vlcsnap-2016-04-27-12h23m23s133 vlcsnap-2016-04-27-12h23m37s5

W/D =Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)

Previous Post

Ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed oo doortay hoggaan cusub”SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta ku saxiixday buugga...

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sweden Cabdikariin Maxamed ayaa booqasho tacsiyeed ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee Stockholm,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta...

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In